|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya ay ka sii dareeyso, isla markaana ay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo geeysanayo dadka rayidka ah.
Saraakiisha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya ay tahay mid ka sii dareeysa gaar ahaan asbuucii la soo dhaafay sidoo kale waxaa ay sheegeen in si gaar ah loo bartilmaameedsaday dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka iyo weliba kooxaha bulshada rayidka ah lagu bartilmaameedsaday qeybo badan oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah.
Tusaale ahaa in ka badan 40 qofood oo u badan caruur iyo haween ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho kadib markii dadkaasi ay haleeshay rasaas ay isweydaarsanayeen kooxaha dagalamayay iyo welbi madaafiic ugu tagtay guryahooda, waxaana magaalada Muqdisho ku dhawacmay 70 qofood oo rayid ah.
Waxaa ay mar kale ku soo celiyeen saraakiisha gargaarka in xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ay ka sii dareeyso taasi oo sii adkeeyneesa gaarsiinta gargaarka dadka dhibaateeysan.
Hay’ada Cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa ay shegtay in ay sii kordhiyeen howlahooda raashiin qeybin ee ay u fidinayeen dadka ku bara kacay duleedka magaalada Muqdisho.
Tirade dadka rayidka ee gar gaarka bini aadanimo u baahan ayaa la sheegay in ay garaayaan 326 kun, kuwaasi oo ka soo kacay tirada 200 oo kun oo bishii May ay ahaayeen.
Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP ayaa sheegtay in haatan ay qorshaynayso in markab mucaawino ah ay u soo diryso wadanka Soomaaliya bartamaha bishaan laakiin waxa ay sheegatay in aysan jirin maraakiib galbinaysa islamarkaana ka ilaalinaysa burcad badeeda Soomaalida ee xeebaha Dalka Soomaaliya ka qowlaysata.
Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in haatan Xaaladiisu ay ka sii tarayso iyadoo Hay’adaha gar gaarku ay ka digeen hadii xaaladu aysan sidaan iska badelin in ay sii badan doonaan dadka dhibaatada ay ku haysato gudaha dalka Soomaaliya.
|